DEG DEG:- Doorashada xubnaha Aqalka Sare u matali doona Puntland oo haatan ka socota Garoowe

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu haatan si toos ah uga bilaawday doorashadda xubnaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya u matali doonna Puntland.

Xarunta baarlamaanka maamulka Puntland waxaa haatan kuwada sugan musharixiinta Aqalka sare u matali doonta Puntland, waxayna xildhibaanada Puntland maanta ku howlan yihiin inay inta badan xubnaha Aqalka sare soo doortaan.

Xildhibaanada maanta soo xaadiray waxay tiradooda gaareysaa ilaa 65 xildhibaan, waxayna haatan u codeynayaan labada musharax ee kala ah, ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo haweeneyda la tartameeyso oo magaceedu yahay Aamino Aadan C/laahi.

Labadaasi musharax ayaa u tartamaya xubinta Puntland u matali doonta Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, ciidamada nabad-sugidda iyo kuwa booliska maamulka Puntland ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka xarunta baarlamaanka ee maamulkaasi, halkaasi oo ay doorashadu ka socoto.

Waxaa sidoo kale, goobta ay haatan doorashadu ka socoto ku sugan guddiyo isugu jira heer feraal iyo heer maamul goboleed oo kor joogto ka ah sida ay wax u dhacayaan iyo sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka ee maamulka Puntland iyo ku-xigeenadiisa.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!