DEG DEG:- Nabadoon Muxumad Tarabi oo goordhaw lagu dilay magaalada Muqdisho

Koox hubeysan ayaa daqiiqado kahor degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ku dishay Nabadoon Muxumad Tarabi Shiikhow oo la sheegay inuu ka mid ahaa odayaashii soo xulaya ergada dooranaya baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Nabadoon Muxumad Tarabi Shiikhow oo 80 jir ahaa la sheegay in dhowr rasaas lagu dhuftay islamarkaana uu isla goobta ku geeriyooday.

Kooxihii dilka geystay ayaa islamarkiiba goobta isaga baxsaday, waxaana goobtaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo baaritaano halkaasi ka bilaabay.

Ma jirto cid ilaa iyo haatan loo soo qabtay ama sheegatay mas’uuliyadda dilka Nabadoonka.

Dilka Nabadoonka ayaa kusoo beegmayaa xilli dhawaan dil ceynkaan oo kale ah isla degmadaasi Yaaqshiid loogu geystay Allaha u naxariistee Afweyne Tiiteeye oo ka mid ahaa odayaasha sida weyn looga yaqaanay halkaas.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!