Waxaa caawa lasoo gaba-gabeeyay tirinta codadka doorashada xubnaha Puntland u matalaya Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Doorashadaan oo ay ku tartamayeen ilaa 29 musharax ayaa waxay xildhibaanada baarlamaanka Puntland doorteen ilaa 11 xubin oo Puntland u matali doonta Aqalka Sare ee baarlamaanka cusub.
Mas’uuliyiinta goobjooga ka ahaa doorashada ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha baarlamaanka ee maamulka Puntland iyo ku-xigeenadiisa iyo sidoo kale ka guddiyo isugu jira heer feraal iyo heer maamul goboleed oo kor joogto ka ahaa sida ay wax u dhacayeen.
Sidoo kale, waxaa isna goobtaasi ku sugnaa madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Camey iyo mas’uuliyiin kale oo aad u badan, iyadoona 11-ka xubnood ee la doortay ay isugu jiraan 3 dumar iyo 8 rag.
Maamulka Puntland ayaa noqonaya maamulkii 4-aad ee soo dhameystira doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.
Hoos ka aqriso xubnaha Puntland ee Aqalka Sare iyo beelaha ay kasoo jeedaan:-
1- Cumar C/rashiid Cali Sharmaake (Majeerteen)
2- C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole (Majeerteen)
3- C/risaaq Xasan Cismaan Juurile (Dishiishle)
4- Farxaan Cali Xuseen – (Leelakase)
5- C/salaan Xaaji Maxamuud Dheere (Dhulbahante)
6- Mahad daahir Shiikh nuur – (Awrtable)
7- Hodan Maxamud Cismaan – (Dhulbahante)
8- Bootaan Barre Samatar – (Jambeel)
9- Maxamuud Axmed Maxamuud – (Majeerteen)
10- Siciido Xasan Cismaan – (Warsangali)
11 – Shukri Aadan Maxamed – (Majeerteen)