“Dagaalkii shalay ka dhacay Gaalkacyo waxaa gadaal ka riixayay wasiirka amniga Galmudug” (DHAGEYSO)

Maamulka Puntland ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeysay in ciidanka qaranka ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii shalay ka dhacay galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wasiirka deegaanka ee maamulka Puntland Cali C/laahi Warsame oo ah oo habeenkii xalay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ay ka qayb ka ahaayeen ciidamada qaranka gaar ahaan kuwa NISA islamarkaana ay arrinkaasi caddeymo u haayaan.

Sidoo kale, waxa uu wasiirka sheegay in dagaalka shalay ka dhacay galbeedka magaalada Gaalkacyo ay gadaal ka riixayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamuka Galmudug oo uu ka mid yahay wasiirka amniga Galmudug Cismaan Taardhuleed.

“Run ahaantii, dagaalkii shalay ka dhacay Gaalkacyo waxaa gadaal ka riixayay wasiirka amniga Galmudug, Cismaan Taardhuleed, waxaana ka qeyb qaadanayay ciidanka qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa NISA iyo kuwa argagaxisada ah iyo maleeyshiyo beeleedyo laga soo aruuriyay gobolka, wuxuuna dagaalkaasi uljeedadiisa ahaa in lasii huriyo colaada ka taagan gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo” Sidaasi waxaa yiri wasiirka deegaanka Puntland Cali C/laahi Warsame

Hadalka wasiirka deegaanka ee maamulka Punland Cali C/laahi Warsame ayaa kusoo beegmaya xilli maalintii shalay dagaal aad u culus uu ka dhacay galbeedka magaalada Gaalkacyo, kaas oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhinaca kale, xaaladda goobihii ay shalay dagaaladu ka dhaceen ee Gaalkacyo ayaa la sheegayaa inay saakay tahay mid aad u degan, inkastoo mararka qaarkood la maqlayo rasaas goos-goos ah oo ay labada dhinac is-dhaafsanayaan, mana jiraan wax heshiis xabad joojin rasmi ah oo labada dhinac ka dhaqan galay.

error: Content is protected !!