DEG DEG:- Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo goordhaw gacanta lagu dhigay

Wararka hataan naga soo gaaraya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in deegaanka Caanoole lagu qabtay dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab iyo hub ay wateen, kadib howlgalo qorsheeysan oo ay ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ay ka sameeyeen deegaankaas.

Howlgalkaan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka kumaandooska ee DANAB oo garabsanaya ciidanka nabad-sugidda iyo kuwo booliska Soomaaliya ayaa baaritaano culus ku sameeyay guryo bar-tilaameed ahaa oo ku yaala deegaanka Caanoole ee gobolka Sh/hoose.

Ciidanka nabad-sugidda qaranka ayaa haatan su’aalo weydiinaya dagaalyahanadda Al-shabaab ee lasoo qabtay, waxaana howlgalkaan uu kusoo beegmayaa xilli mudooyinkii ugu dambeeyay ay ciidankaas xoojiyeen weerarada ay ku hayaan Al-shabaab.

Dhinaca kale, ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay Xarakada Al-shabaab, kaas oo ay kaga hadlayaan waxa ka jiro in ciidankooda ay haatan gacanta ugu jiraan dowladda federaalka Soomaaliya.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!