Madaxweynaha Hirshabeele oo maanta kulan la qaadan doonno Odayaal uu horkacaayo Ugaas Xasan

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha maamulka cusub ee Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble uu maanta halkaasi kula kulmi doonno Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble oo habeenkii xalay ku hoyday magaalada B/weyne ayaa maanta la filayaa inuu kulan aad u culus la qaato Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, kaas oo si weyn uga soo horjeeday dhismaha maamulka Hirashabeele.

Sidoo kale, madaxweyne Cali C/laahi Cosoble ayaa magaalada B/weyne kulamo la qaadan doonno Odayaasha dhaqanka ee ku fikirka ah Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, wuxuuna labada dhinac kala hadli doonna sidii ay u taageri lahaayen islamarkaana ay uga qeyb qaadan lahaayeen dhismaha maamulka cusub ee Hirshabeele.

Dhinaca kale, madaxweynaha Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble ayaa habeenkii xalay kulamo gooni gooni ah kula qaatay magaaalada B/weyne mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, kaas oo ay uga hadleen xoojinta ammaanka gobolka Hiiraan iyo la dagaalanka Xarakada Al-shabaab.

Ilaa iyo haatan lama oga waxa kasoo bixi doonno kulanka maanta dhexmari doonno madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble iyo Odayaasha uu horkacaayo Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!