DEG DEG:- Ugaas Xasan “Waxaan halkaan ka caddeynayaa inaan marnaba tagi doonin Jowhar” (DAAWO VIDEO)

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu shaaca ka qaaday inuusan marnaba Jowhar tagi doonin islamarkanaa aanu ka qeyb-gali doonin xafladda caleemo saarka madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble iyo ku-xigeenkiisa Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe).

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo shir jaraa’id goordhaw ku qabtay magaalada B/weyne ayaa caddeeyay in qorshihiisa uusan ugu jirin inuu tago Jowhar islamarkaana uu ka qeyb-galo xafladda caleemo saarka, isagoona dhinaca kale ka hadlay kulan uu maalintii shalay magaalada B/weyne kula yeeshay madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble.

Kulankaasi ayuu Ugaaska sheegay inay uga wada-hadleen arrimo ku saabsan beesha ay kasoo jeedaan, balse aanu ka wada-hadlin arrimo quseeya maamulka Hirshabeele iyo inuu kasoo qeyb-gali doonno caleemo saarka ka dhici doonno Jowhar.

“Waxaan halkaan ka caddeynayaa inaan marnaba tagi doonin Jowhar, waxyaabaha aniga iyo Cali C/laahi aa shalay B/weyne uga wada hadalnay waxay ahayd war-qabiil, ee ma noqon karo arrimo siyaasad, anigane wax shaqo ah kuma lihi maamulka Hirshabeele, mana aqoonsani” Sidaas waxaa yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif

Dhinaca kale, waxa uu Ugaas Xasan beeniyay warar saacadihii ugu dambeeysay ay warbaahinta qaarkood faafinaysay, kaas oo ahaa diyaarad Helicopter lagaga qaaday B/weyne kuna sii jeedo Jowhar si uu uga qeyb-galo caleemo saarka, isagoona hadalkaasi ku tilmaamay mid been abuur ah, shacabka Soomaaliyeed lagu marin habaabinayo.

“Anigoo B/weyne dhex taagan in la yiraahdo Ugaas Xasan, diyaarad Helicopter ayuu saaran yahay, diyaaradaas ayuu raacayaa oo Jowhar ayuu u socdaa, beenta intaas la eg, dadka abuuraya ee raba inay umadda marin habaabiyaan haka fiirsadaan ayaan leeyahay, hadii ay tahay dadka wax qoro ama teleefishinadda, qofka meesha uu joogo lagama been sheegi karo, sharcinna maahan arrinkaas” Sidaasi waxaa yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Hadalkaan kasoo yeeray Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Jowhar ay haatan ka bilaabatay xafladda caleemo saarka madaxda maamulka Hirshabeele, waxaana xafladaasi haatan a qeyb-galaya madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyadda dalka, wakiilo ka socda beesha caalamka, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.

error: Content is protected !!