DEG DEG:- Xafladda caleemo saarka ee madaxweynaha Hirshabeele iyo ku-xigeenkiisa oo haatan bilaabatay

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxay sheegayaan in goordhaw ay halkaasi si toos ah uga bilaabatay xafladda caleemo saarka ee madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble iyo ku-xigeenkiisa Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe).

Qorshaha munaasabadda oo markeedii hore ahaa in gelinkii dambe ee maanta ay bilaabato ayaa laga soo hormariyay xilligeeda, waxaaana madaxda xafladaasi ka qeyb galeysa ka mid ah mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, madaxda maamul goboleedyada dalka, oday dhaqameedyo, wakiilo ka socda beesha caalamka iyo marti sharaf kale.

Saacadaha soo socdo ayaa sidoo kale la filayaa in goobtaasi ay khudbado kala duwan ka jeediyaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada dalka iyo wakiilada beesha caalamka.

Maamulka cusub ee Hirshabeele ayaa noqonaya maamul goboleedkii ugu dambeeyay ee laga dhiso dalka, waxaana maalmaha soo socdo la filayaa in maamulkaasi uu guddo galo doorashada xubnaha Hirshabeele u matalaya Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale, ciidamada nabad-sugidda iyo kuwa booliska ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka goobta ay ka socoto xafladda caleemo saarka madaxweynaha maamulka Hirshabeele iyo ku-xigeenkiisa, iyadoona la filaayo in saacadaha soo socdo xafladaasi lasoo gaba-gabeeyo.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!