Wararkii ugu dambeeyay dagaalka weli ka soconaya Gaalkacyo iyo sida ay caawa xaaladda tahay

Wararka ugu dambeeyay ee laga helaayo dagaalka ka soconayo galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaalkaasi xoogiisa uu haatan ka yara qaboobay sidii hore, iyadoona qeybo ka mid ah magaaladaasi weli laga maqlaayo rasaas goos goos ah oo dhaceeysa.

Dagaalkaasi oo u dhaxeeya ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa markiisii hore ku bilaawday rasaas goos goos ah oo ay labada dhinac is-weydaarsanayeen, wuxuuna markii dambe isku badalay mid hubka cul-culus la isku adeegsaday, kaas oo saameyn aad u balaaran ku yeeshay xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Gaalkacyo.

Waxaa inta la xaqiijiyay dagaalkaasi ku geeriyootay ilaa 8 qof oo isugu jira dad shacab iyo askar ka kala tirsan labada dhinac, waxaana sidoo kale ku dhaawacantay tiro intaas ka badan.

Xarumaha caafimaad ee ku kala yaala magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Koonfurta iyo Waqooyiga ayaa maanta la gaarsiiyay meydadka iyo dhaawacyada ciidanka labada dhinac iyo sidoo kale dad shacab ah.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa caawa ah mid ka degan sidii hore, inkastoo weli labada ciidan ee maamulada Galmudug iyo Puntland ay isku hor-fadhiyaan goobihii ay ku dagaalameen.

Ilaa iyo haatan ma jirto wax horumar muuqda oo uu midkood dagaalkaasi ka gaaray, marka laga soo tago khasaaraha nafeed iyo maaleed uu dagaalkaasi geystay.

Sidoo kale, ma jirto wax heshiis muuqda oo ay labada dhinac ka gaareen dagaaladaan mudooyinkii ugu dambeeysay sida weyn ugu soo noq-noqday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!