Ciidanka AMISOM oo maanta si rasmi ah ula wareegay ammaanka guud ee xarunta madaxtooyadda Galmudug

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in qeybtii ugu horeeysay ee ciidamada AMISOM oo tiro ahaan gaaraya ilaa 100 askari ay maanta la wareegeen ammaanka guud ee xarunta madaxtooyadda maamulka Galmudug.

Ciidankaan oo ku hubeysan gawaarida gaashaaman ayaa markii ay soo gaareen magaalada Cadaado, waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Ciidankaan oo isugu jira Jabuutiyaan iyo Burundi ayaa la sheegayaa inay haatan ku sugan yihiin xarunta madaxtooyadda maamulka Galmudug, gaar ahaan goobaha ay halkaasi ka degan yihiin guddiga doorashadda dalka iyo sidoo kale kontoroolka laga soo galo magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Warar hoose oo aynu heleyno ayaa sheegaya in ciidankaasi ay qeyb ka noqon doonaan ciidamo la qorsheeynayo in magaalada Cadaado laga howlgaliyo xilliga ay doorashooyinka dalka ka socdaan deegaanada Galmudug.

Dhinaca kale, madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa hore u sheegay in ciidamo ka tirsan AMISOM ay suggi doonaan ammaanka guud ee doorashooyinka ka dhacaaya deegaanada Galmudug, gaar ahaan magaalada Cadaado oo ay ku taalo xarunta madaxtooyadda maamulka Galmudug.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!