DEG DEG:- Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay eedeymo ay jeediyeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay dagaalada muddooyinkii ugu dambeysay ka dhacaayay galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Galmudug iyo Puntland.

War-saxaafadeedka oo uu ku saxiixan yahay xoghayaha guud ee wasaaradda warfaafinta Axmed Maxamed Xasan ayaa si kulul loogu cambaareeyay dagaalada aan dhamaadka lahayn ee ka socda galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyo sidoo kale shaqsiyaadka dagaalkaasi sii hurinaya iyo cid kastoo diiday in xiisadahaasi dagaal wada-hadal lagu dhameeyo.

Dhinaca kale, waxaa sidoo kale war-saxaafadeedka lagu beeniyay eedeymo ay dhawaan soo jeediyeen mas’uuliyiinta maamulka Puntland, kaas oo ahaa in dowladda Soomaaliya ay dagaaladaasi garab ku siineyso maamulka Galmudug.

Ugu dambeyntii, waxaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in dagaalada iyo colaadaha ka jira magaalada Gaalkacyo ay tahay mid lidi ku ah amniga iyo jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.

Hadaba nuqul ka mid ah war-saxaafadeedka oo nasoo gaaray ayaa u qornaa sida hoos ku xusan:-

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya

error: Content is protected !!