DEG DEG:- Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo qasaare aad u culus oo ka dhashay

Qarax aad u xoogan islamarkaana loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka taaladda Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaasi oo ilaa iyo haatan aan la ogeyn halka uu bar-tilmaameedkiisa ahaa ayaa halmar laga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho, wuxuuna ka dhacay inta u dhaxeeysa wasaarada caafimaadka iyo taaladda Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku geeriyootay ilaa 4 qof, iyadoona 6 qof kale ay ku dhaawacantay, sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay.

Waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay haatan soo buux dhaafiyay ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka iyo kuwa booliska, waxayna xireen dhamaan wadooyinka soo gala goobtaas.

Ma jirto cid ilaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, waxaana inta badan qaraxyadda ceynkaan oo kale looga bartay inay magaalada Muqdisho ka geystaan Xarakada Al-shabaab.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!