Wararkii ugu dambeeyay xaaladda magaalada Gaalkacyo iyo sida ay saakay xaaladda tahay

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helaayo xaalada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ah mid xaaladeedda aan cago badan ku taagneyn, waxaana weli halkaasi ka jirto xiisad colaadeed oo ka dhex taagan ciidamada kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Ciidamada Galmudug iyo Puntland oo mudooyinkii ugu dambeysay ciidamo badan kala geeynayay galbeedka magaalada Gaalkacyo, ayaa maalintii shalay ahayd halkaasi ku dhexmaray iska hor-imaad aad u culus, kaasoo ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkii shalay ku geeriyootay ilaa 10 qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah, iyadoona 15 kale ay ku dhaawacantay.

Waxaa maanta aad u yar dhaq-dhaqaaqa ganacsi iyo isku socodka gaadiidka ee ka jiray magaalada Gaalkacyo, waxaana inta badan maanta xiran goobaha ganacsi, iyadoo ay jirto cabsi colaadeed oo hareeysay dadka ku nool magaaladaas.

Inta badan dadka ku noolaa magaalada Gaalkacyo ayaa isaga barakacay guryahooda ku yaalay halkaasi, iyagoo u ruqaansaday dhinaca baadiyaha ah.

Sidoo kale, waxaa soo baxaya baaqyo isdaba-joog ah oo ay jeedinayaan dowladda federaalka Soomaaliya, beesha caalamka iyo waxgaradka gobolka Mudug, waxaana ay ku baaqayaan in xiisada colaadeed la joojiyo, islamarkaana khilaafka lagu xaliyo miiska wada-hadalka.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay maamulada Galmudug iyo Puntland, iyadoona sida la ogsoonyahay aanay jirin wax heshiis muuqda ah oo ay labadaasi dhinac ka gaareen dagaaladaan mudooyinkii ugu dambeeysay sida weyn ugu soo noq-noqday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco wararkeena dambe Insha Allaah

error: Content is protected !!