Baaq deg deg ah oo loo diray DF Soomaaliya, beesha caalamka iyo hay’addaha gargaarka ah (AKHRISO)

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa loogu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya, beesha caalamka iyo hay’addaha gargaarka inay gacan weyn ka geystaan sidii gar-gaari loogu fidin lahaa dadkii ku barakacay colaadda haatan ka socota magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Waxaa sidoo kale war-saxaafadeedka baaq loogu diray jaaliyadaha ku nool dalka dibadiisa ee kasoo jeeda deegaanadda Galmudug inay gacan weyn ka geystaan sidii loo gar-gaari lahaa dadkaas ka barakacay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo haatan xaalado adag oo dhinaca nolosha ah ay ku heysato duuleedka Gaalkacyo iyo deegaano kale oo magaaladaasi hoos-yimaada.

Kumanaan qof ayaa ka barakacay colaadda ka jira magaalada Gaalkacyo, waxayna haatan ku sugan yihiin duuleedka Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca baadiyaha ah, waxaana halkaasi ku haysato nolol adag oo ay ka mid yihiin biyo iyo cunto la’aan, balse aysan jirin cid gar-gaar u fididay dadkaas.

Halkaan hoos ka akhriso war-saxaafadeedka kasoo baxay Galmudug

War-saxaafadeed xafiiska madaxweynaha Galmudug

error: Content is protected !!