DEG DEG:- Dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo oo haatan ka socda Gaalkacyo

Dagaal aad u culus oo u dhaxeeya ciidamo ka kala tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa goordhaw markale dib uga bilawday galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalkaasi oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa markiisi hore ku bilaawday rasaas goos goos ah, wuxuuna markii dambe isku badalay in labada dhinac ay isku adeegsadaan hubka waaweyn oo haatan qeybaha kala duwan ee magaalada Gaalkacyo laga maqlaayo.

Labada ciidan ayaa maalmihii ugu dambeysay isku hor-fadhiyay galbeedka magaalada Gaalkacyo, iyadoona  xiisadaha dagaal ee u dhaxeeya labadaasi dhinac uu noqday mid dhowr jeer kusoo noq-noqda deegaanada ku yaala gobolka Mudug.

Dhinaca kale, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka gobolka Mudug ayaa baaqyo kala duwan kasoo saaray dagaalkaan u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo Puntland in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo, kaas oo mudooyinkii ugu dambeeysay u muuqda mid maalinba maalinta kasii dambeysa sii xoogeysanaya.

Ilaa iyo haatan lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaan oo haatan ka soconaaya galbeedka magaalada Gaalkacyo, iyadoona xaaladda magaaladaas ay saakay tahay mid aad u kacsan, waxaana haatan magaalada laga maqalayaa hubka culus ee daran-dooriga u dhaca iyo rasaas badan oo ay labada dhinac isku adeegsanayaan.

Wixii kusoo kordha warkaan dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!