Madaxweyne Gaas oo maanta si aan caadi ahayn uga hadlay dagaalada ka socda Gaalkacyo (DHAGEYSO)

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kadib safar maalmo qaatay uu mudooyinkii ugu dambeysay ku maqnaa dalka dibadiisa ayaa si aan caadi ahayn uga hadlay dagaalada ka soconaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweyne Gaas oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa marka hore ka warbixiyay safaradda uu ku kala tagay Itoobiya iyo dalka Isku taga Imaaraadka Carabta, wuxuuna tilmaamay in dhamaan safaradaasi ay ugu soo dhamaadeen guul.

Sidoo kale, madaxweyne Gaas ayaa ka hadlay dagaalada ka socda magaalada Gaalkacyo, wuxuuna dagaaladaasi ku tilmaamay mid laga soo abaabulayo magaalada Muqdisho islamarkaana ay mas’uuliyadeedda qaadi doonaan madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

C/weli Gaas ayaa tilmaamay in haatan uu dalka ku jiro xaalad adag oo dagaal ah, isagoona dhinaca kale sheegay in magaalada Cadaado aan laga soo duulin kaliya balse laga soo duulay magaalada Muqdisho, taas oo ula jeeday in dowladda federaalka Soomaaliya ay qeyb ka tagay colaadaha ka jira Gaalkacyo.

“Sida aad la socotaan dagaalada ka socda Gaalkacyo, ma ahan oo kaliya mid meel Cadaado looga soo duulay, waxaaa sidoo kale laga soo duulay Xamar oo ay dowladda federaalka ku lug leedahay, marka ma garanayo dad cadow kugu ah sida loola wadaagayo doorasho iyo in dowlad la wada dhisto, marka waxaan dadka Puntland u dhashay ugu baaqayaa inay difaacdaan dhulkooda islamarkaana ay wada-hadal ku dhameeystaan waxkasto oo dhexdooda ah” Sidaas waxaa yiri madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa u muuqanaya mid sii hurinaya colaadda iyo xiisadaha ka dhex taagan maamulada Galmudug iyo Puntland, wuxuuna hadalkiisa kusoo beegmayaa xilli magaaalada Gaalkacyo ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya labadaasi maamul.

error: Content is protected !!