Maxamed Cumar “Qorshaha horumarinta qaranka waa mid dalka horumar dhaqaale gaarsiinaya..” (SAWIRO)

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa maanta gudoomiyay shir ku saabsanaa sidii loo waafajin lahaa miisaaniyadda 2017 qorshaha horumarinta qaranka, waxaana shirkaasi kasoo qey-galay wasaaradda maaliyadda, wasaaradda qorsheeynta qaranka, iyo gudigga shaqaalaha rayidka ah.

Mudane Carte ayaa sheegay in qorshaha horumarinta Qaranka uu muhiim u yahay horumar waara oo la gaarsiiyo dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isagoona magacaabay guddi howleed arrintaas ka howlgeli doona.

“Qorshaha horumarinta qaranka waa mid dalka horumar dhaqaale gaarsiinaya, sidaa awgeed waa muhiim in miisaaniyadda 2017 aan ku saleyno, waxaana howshaas ka shaqeyn doona guddi ka kooban xafiiska ra’iisul wasaaraha, wasaaradda maaliyadda, iyo wasaaradda qorsheeynta Qaranka”. Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukkuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte

Dhanka kale, Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa guddi u saaray tayeeynta habka shaqo qorida dowladda sii loo hirgeliyo shaaqaaleeyn ku saleysan mabda’a mudnaanta islamarkaana miisaaniyadda Qaranka waafaqsan.

“Waa lagama maarmaan inaan habka shaqo qorida dowladda ku saleyno mabda’a mudnaanta iyo miisaaniyadda qaranka si shaqaalaha dowladda ay u noqdaan kuwo tayo leh islamarkaana xuqooqdooda ka hela dowladda, waxaana howshaas ka shaqeyn doono guddi ka kooban xafiiska ra’iisul wasaaraaha, wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, wasaaradda qorsheeynta qaranka, qasaaradda maaliyadda, guddiga shaqaalaha rayidka, iyo bankiga dhexe” Ayuu Mudane Maxamed Cumar Carte yiri

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare ku-xigeenka Maxamed Cumar Carte ayaa ku baaqay in la abuuro fursado kobcin karta dakhliga si loo balaariyo miisaaniyadda dowladda kana jawaabto adeega bulshada ee ay dowladda bixineyso.

maxamed-cumar-carte01 maxamed-cumar-carte02 maxamed-cumar-carte03 maxamed-cumar-carte04

-DHAMAAD-

error: Content is protected !!