Meydadka laba caruur oo ay Baddu soo tuftay oo galabta laga helay xeebta Curubo ee Muqdisho (SAWIRO)

Waxaa maanta xeebta Curubo ee degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho laga helay meydadka labo caruur oo wada-dhashay islamarkaana ay Baddu soo tuftay.

Muuqaalada caruurtaan oo da’dooda lagu qiyaasay 5 iyo 6 jir, ayaa la sheegayaa in markii dambe lagu wareejiyay waalidiinta dhalay.

Caruurtaasi ayaa la sheegay inay galabta galeen Badda balse markii ay ku geeriyoodeen kadib ay Baddu soo tuftay.

Dhinaca kale, guddoomiye ku-xigeenka degmada Shangaani Mahad Axmed Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa u xaqiijiyay in meydadka caruurtaasi markii dambe lagu wareejiyay waalidiinta dhalay.

Waalidiinta dhalay caruurtaasi ayaa la sheegay inay degan yihiin degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho.

Dhacdadaan ayaa noqotay dhacdo ay dad badan aad uga argagaxeen, iyadoona hadal heynta ugu weyn ee maanta laga hadal haayo degmada Shangaani ay ahayd dhacdadaan argagaxa leh oo ay caruurtaasi ku geeriyootay.

meydka-caruur-badda-tuftay meydka-caruur-badda-tuftay01

error: Content is protected !!