Sarkaal ka tirsanaa nabad-sugidda Qaranka oo gelinkii dambe maanta lagu dilay magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee maanta degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Hoteelka Dayax ku dilay Sarkaal ka tirsanaa hay’adda nabad-sugidda qaranka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Gaashaanle dhexe C/casiis Caraaye ayaa la sheegay in dhowr rasaas lagu dhuftay xilli uu ku sugnaa agagaarka gurigiisa oo ku yaalo degmada Waaberi.

Kooxihii dilka u geystay Sarkaalka ayaa islamarkiiba goobta isaga baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo goobtaasi baaritaano ka sameeyay.

Dhinaca kale, ma jirto cid ilaa iyo haatan ay ciidankaasi usoo qabteen falkaasi dilka ah, sidoo kale ma jiraan cid sheegatay inay ka dambeysay dilka sarkaalkaas.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeeysay oo degmada Waaberi lagu dilo mas’uul ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoona dhowr jeer oo hore ay degmadaasi ka dhaceen falal lid ku ah ammaanka degmadaasi, mana jirto cid ilaa iyo haatan arrinkaasi wax ka qabatay.

error: Content is protected !!