Sheekh Khaliifa Bin Xamad Al-Thani oo ku geeriyooday magaalada Doha ee dalka Qadar

Sheekh Khaliifa Bin Xamad Al-Thani oo ahaa amiirkii hore ee dalka Qadar ayaa maalintii shalay ku geeriyooday magaalada Doha ee caasimadda dalkaas.

Sheekh Khaliifa Bin Xamad Al-Thani ayaa 84-sanno jir ah ayaa la sheegay in taladda Amiirka Qadar uu haayay muddo 23-sanno laga soo bilaabo 1972-ilaa 1995, kadib markii uu dalkaasi ka xuroobay gumeysigii Ingiriiska ahaa.

Marxuumka ayaa la sheegay in loo sameyn doonno aas qaran, islamarkaana muddo 3-maalmood ah dalka laga sameyn doonno baroor-diiq Qaran.

Allaha u naxariistee Sheekh Khaliifa Bin Xamad Al-Thani wuxuu awoowe u yahay amiirka haatan ka taliya dalkaasi Qadar Tamiim Bin Xamad Al Thani oo isna xukunka dalkaasi la wareegay sanadkii 2013-da, kadib markii uu afgambi ku sameeyay awoowgiis oo xilligaasi safar ugu maqnaa dalka Switzerland.

error: Content is protected !!