DEG DEG:- Weerar ismiidaamin ah oo goordhaw lagu qaaday xarun ay ku sugan yihiin ciidanka Jabuuti

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lagu weeraray xarun ay degan yihiin ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti.

Gaari noociisu xamuul yahay islamarkaana laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu weeraray saldhig ay ciidanka Jabuuti ee AMISOM ku leeyihiin xaafadda Howl-wadaag ee magaalada B/weyne.

Ilaa iyo haatan lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi ismiidaaminta ah, balse waxaa la sheegayaa inuu jiro qasaare xoogan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkaas kadib ayaa sidoo kale waxaa la maqlay rasaas badan oo goobtaasi ka dhaceeysay, inkastoo aysan haatan suurto-gal ahayn in la ogaado qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay rasaastaas.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!