Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Gaalkacyo oo ay shalay dagaalo culus ka dhaceen (SAWIRO)

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helaayo xaalada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ah mid xaaladeedda aan cago badan ku taagneyn, waxaana weli halkaasi ka jirto xiisad colaadeed oo ka dhex taagan ciidamada kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Ciidamada Galmudug iyo Puntland oo mudooyinkii ugu dambeysay ciidamo badan kala geeynayay galbeedka magaalada Gaalkacyo, ayaa maalintii shalay ahayd halkaasi ku dhexmaray iska hor-imaad aad u culus, kaasoo ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkii shalay ku geeriyootay ilaa 10 qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah, iyadoona 15 kale ay ku dhaawacantay.

Waxaa maanta aad u yar dhaq-dhaqaaqa ganacsi iyo isku socodka gaadiidka ee ka jiray magaalada Gaalkacyo, waxaana inta badan maanta xiran goobaha ganacsi, iyadoo ay jirto cabsi colaadeed oo hareeysay dadka ku nool magaaladaas.

Sidoo kale, waxaa soo baxaya baaqyo isdaba-joog ah oo ay jeedinayaan dowladda federaalka Soomaaliya, beesha caalamka iyo waxgaradka gobolka Mudug, waxaana ay ku baaqayaan in xiisada colaadeed la joojiyo, islamarkaana khilaafka lagu xaliyo miiska wada-hadalka.

Dhinaca kale, ma jirto wax heshiis muuqda ah oo ay maamulada Galmudug iyo Puntland ka gaareen dagaaladaan mudooyinkii ugu dambeeysay sida weyn ugu soo noq-noqday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco wararkeena dambe Insha Allaah

xaaladda-gaalkacyo xaaladda-gaalkacyo01 xaaladda-gaalkacyo02 xaaladda-gaalkacyo03 xaaladda-gaalkacyo04 xaaladda-gaalkacyo05

error: Content is protected !!