DEG DEG:- Ciidanka Itoobiya oo gebi ahaan isaga baxay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool

Wararka haatan naga soo gaaraya degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay goordhaw halkaasi isaga baxeen, iyagoona u ruqaansaday dhinaca xuduuda uu dalkooda la wadaago Soomaaliya.

Ciidankaasi oo labadii maalmoood lasoo dhaafay qorsheeynayay inay halkaasi isaga baxaan, ayaa hadane waxaa wal-wal iyo cabsi aad u weyn soo wajahay dadka degmadaas ku nool.

Dadkaas ayaa ka cabsi qaba in hadii ay Al-shabaab la wareegaan degmadaasi ay dhibaato kala kulmaan.

Sidoo kale, ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegay inay dhawaan ka bixi doonaan deegaanada ay haatan kaga sugan yihiin gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Ilaa iyo haatan lama oga sababta keentay in ciidankaasi ay isaga baxaan deegaanada ku yaala Soomaaliya, halkaas oo ay hore gacanta ugu haayeen, inkastoo arrinkaan la sheegayo inuu salka ku haayo xiisadaha ka taagan dalkooda.

Dhinaca kale, saraakiisha u shaqeeya hay’adaha samafalka ee degmada Tiyeeglow ayaa iyagana isaga baxay degmada Tiyeeglow.

Ugu dambeyntii, ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka Soomaalida ayaa degmada Tiyeeglow ka qabsaday Xarakada Al-shabaab sanadkii 2014-ka bishii August, waxaana laba sano kadib ay xaaladii isku bedeshay in loo banneeyo Al-shabaab.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!