Dowladda Jabuuti oo shaacisay tirada askar ee kaga dhimatay weerarkii shalay lagu qaaday askartooda

Dowladda Jabuuti ayaa ka hadashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay Al-shabaab ku qaadaan xarun ay ciidamada AMISOM ee Jabuuti ku lahaayeen galbeedka magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo sida la sheegay geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Amb. Aadan Xasan Aaden oo ah safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaliya oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerarkii shalay lagu qaaday saldhiga ciidan uusan waxba ka badali doonin howlaha nabad ilaalinta ee ay ciidamada Jabuuti u joogaan gudaha dalka Soomaaliya.

Wuxuu Amb. Aadan Xasan sheegay in dowladda Jabuuti ay sii waddi doonto dadaalada nabadeed oo ay ka waddo Soomaaliya, ilaa iyo inta laga cirib tiraayo waxa uu ugu yeeray haraadiga kooxaha nabad diidka ee ku dhuumaaleysanayo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

“Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay lala beegsaday xarun ay ciidamada Jabuuti ku la haayeen duuleedka B/weyne waxba kama badali doono howlaha nabad ilaalinta ah ee aan ku caawineyno walaalaheen Soomaaliyeed, annagu marwaliba waxaan diyaar u nahay in dhiigeen iyo dhaqaalaheena intaba aan u hurno walaalaheen Soomaaliyeed illaa iyo inta ay isku filnaasho ka gaarayaan” Sidaas waxaa yiri safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Amb. Aadan Xasan Aadan.

Dhinaca kale, safiirka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM si looga hortago  buu yiri khatarta ay kooxaha nabad diidka u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo baxay safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Amb. Aadan Xasan Aadan ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii shalay weerar culus oo ismiidaamin ah lagu qaaday xarun ay ku sugnaayeen ciidamada Jabuuti fadhigoodu yahay magaalada B/weyne.

Weerarkaasi ayaa sida la xaqiijiyay ku geeriyootay 6 qof oo ay 3 ka mid ah ahaayeen askari oo ka tirsan ciidamadda Jabuuti ee ka mid ah kuwa AMISOM, waxaana seddaxda kale oo ku geeriyootay weerarkaasi ay ahaayeen dad shacab ah oo maraayay agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay.

error: Content is protected !!