Sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga oo maqribkii caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

Kooxo ku hubeysan bistoolado ayaa caawa salaadii maqrib kadib xaafadda Siigaale ee degmada Hodan ku dishay sarkaal ka tirsanaa ciidanka militeriga Soomaaliya.

Sarkaalkaan la dilay oo lagu magacaabi jiray G/sare Siyaad Axmed Maxamed ayaa la sheegay in dhowr rasaas lagu dhuftay, xilli uu maraayay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Siigaale.

Ciidanka nabad-sugidda qaranka ayaa la sheegayaa in mid ka mid ah kooxihii dilka u geystay sarkaalkaas ay dileen, halka kuwa kalena ay islamarkiiba goobta isaga baxsadeen.

Ciidankaas ayaa ilaa iyo haatan dabagal-dheeraad ah ugu jira halka ay kooxihii dilka geystay u baxsadeen, waxayna howlgalo culus ka bilaabeen xaafadaha ku yaala degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, ma jirto cid ilaa iyo haatan loo soo qabtay falkaasi dilka ah, iyadoona sidoo kale aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda dilka sarkaalkaas.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo sarkaal ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya lagu dilo magaalada Muqdisho, iyadoona dilkaan uu kusoo beegmayo xilli dhawaan degmada Waaberi lagu dilay sarkaal kale oo ka tirsanaa nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya.

error: Content is protected !!