DEG DEG:- Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya iyo saraakiil ciidan oo goordhaw gaaray magaalada B/weyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu goordhaw gaaray safiirka Jabuuti ee u fadhiya Soomaaliya Amb. Aadan Xasan Aadan oo ay wehlinayaan taliyaha ugu sareeya ciidamada Jabuuti iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Amb. Aadan Xasan Aadan iyo mas’uuliyiinta la socota ayaa maanta booqanaya saldhiga ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin galbeedka magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo maalmo ka hor qarax ismiidaamin ah lagu qaaday.

Mas’uuliyiintaasi ayaa sidoo kaleĀ u kuurgali doonno habsami u socodka howsha nabad ilaalineed oo ay ciidanka Jabuuti u joogaan dalka Soomaaliya iyo sidii ay ugu muujin lahaayeen ciidankooda inay mar walba garab taagan yihiin.

Amb. Aadan Xasan Aadan ayaa sidoo kale kulamo la yeelan doonna mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo halkaasi ku sugan.

Ilaa iyo haatan si rasmi ah looma oga tirada dhabta ah ee dowladda Jabuuti kaga geeriyootay weerarkii lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidankooda ee ku yaala galbeedka magaalada B/weyne, inkastoo la sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen seddax askari oo Jabuutiyaan ah iyo seddax kale oo shacab ah.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!