Korneel C/laahi Mayoonge oo maanta u geeriyooday dhaawac dhawaan kasoo gaaray weerar lagu qaaday

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xeer ilaaliye ku-xigeenka maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya Korneel C/laahi Xuseen Maxamed oo loo yaqaanay (Mayoonge), kaas oo u geeriyooday dhaawac dhawaantaan kasoo gaaray weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen gaari uu la socday.

Dhaawaca sarkaalkaan geeriyooday ayaa mudooyinki dambe lagu dabiibayay isbitaal ku yaala gudaha magaalada Muqdisho, balse waxaa la xaqiijiyay in duhurkii maanta uu dhaawacaasi u geeriyooday.

Kooxo hubeysan ayaa 26-ka bishii hore ee September weerar culus ku qaaday gaari uu la socday Xeer Ilaaliye ku-xigeenka Korneel C/laahi Xuseen Maxamed (Mayoonge), xilli uu maraayay isgoyska Florence ee ku yaala degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee C/laahi Xuseen Maxamed (Mayoonge) ayaa noqonaya sarkaalkii ugu horeeyay ee ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida ee lagu dilo magaalada Muqdisho, iyadoona weerarkaasi sidoo kale uu ku dhintay mid ka mid ah askartii ilaalada u ahayd sarkaalkaas.

error: Content is protected !!