FBI-da Mareykanka oo heshay xog cusub oo ku aadan Emailada ay hore u isticmaashay Hillary Clinton

FBI-da Mareykanka ayaa dib u bilaabay inay baaritaan cusub ku sameeyaan E-mailada ay sida gaarka ah u isticmaaleysay musharaxa madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinton, xiligii ay aheyd wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas

Baaritaankaan cusub ayaa kusoo beegmaya xili doorashada madaxweynaha dalkaasi ay dhowr maalmood kaliya ay ka harsan tahay, iyadoona maalmihii ugu dambeeyay malaayiin qof oo ka mid ah shacabka Mareykanka ay codkooda horay u dhiibteen.

Hillary Clinton Presidential Nominee

Agaasimaha hay’adda FBI-da ee dalka Mareykanka James Comey oo warqad u diray xubnaha Aqalka congress-ka ee xisbiga dimuqraadiga ayaa sheegay inaysan garaneyn muddada ay qaadan doonto baaritaankaan cusub oo ay haatan dib u fureen, wuxuuse tilmaamay inay yihiin kuwo macne badan u leh dhacdada emailada gaarka ah oo ay isticmaashay Mrs. Hillary Clinton.

Teleefishinada Mareykanka ayaa baahiyay in xogta cusub ee FBI-du heshay laga helay haweeneyda la yiraahdo Huma Abedin oo gacan yare u aheyd Hillary Clinton 2009-2013.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xogtan cusub ay la xiriirto baaritaan ku aadan Anthony Weiner oo ka tirsanaaan jiray aqalka congress-ka, kadib markii uu fariin galmo la xiriirta teleefonka ugu diray gabar 15 sano jir ah.

Mr Weiner xaaskiisu waa Huma Abadin oo Clinton lasoo shaqeeysay xogtana laga heley computer ay iyadu laheyd.

Dhinaca kale, baaritaanada cusub ee ku socda musharaxa madaxweyne ee xisbiga dimuqraadiga Mrs. Hillary Clinton ayaa la xiriira inay dayacday mas’uuliyadeedi, islamarkaana ay qatar gelisay arrimo sir ah, waxaana ilaa iyo haatan la ogeyn saameynta ay arrintaan ku yeelan doonto ololeheeda doorasho.

Hillary Clinton Acceptance Speech

Doorashada Mareykanka ayaa dhici doonta bisha soo socoto ee November 8-deeda, waxaana doorashadaasi ku tartamaya labada musharax ee kala ah:- Donald Trump oo ka socda xisbiga Jamhuuriga iyo sidoo kale Hillary Clinton oo ka socda xisbiga dimuqraadiga, iyadoona baaritaankaan cusub ee FBI-da uu musharaxa Donald Trump aad u soo dhaweeyay islamarkaana uu yahay mid uu ku faraxsan yahay.

error: Content is protected !!