Gantaal ay maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen ku weerareen magaalada Makka Al-mukarama oo laga hortagay

Maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen ayaa maalintii shalay gantaal noociisu yahay kuwa ridada dheer ee Balaastikadda ku riday dhinaca magaalada barakeysan ee Makka Al-mukarama ee dalka Sucuudiga.

Ciidanka isbaheysiga Sucuudiga ayaa la sheegay inay gantaalkaasi ku burburiyeen hawada, kahor inta uusan soo gaarin magaalada barakeeysan ee Makka Al-mukarama, halkaas oo ay ku yaalaan goobaha ugu muhiimsan Islaamka, sida masjidka weyn ee Xaramka, Kacbada barakeysan iyo goobo badan oo lagu cibaadeysto.

Sidoo kale, wakaaladda wararka ee dalka Sacuudiga ayaa shaacisay in ciidanka isbaheysiga ay gantaalkaasi ku bur-buriyeen meel dhowr kiilo mitir u jirta magaalada Maka Al-mukarama ee dalkaas.

Dhinaca kale, maleeshiyada xuutiyiinta ayaa qirtay inay soo tuureen gantaalkaasi noociisu yahay kuwa ridada dheer ee Balaastikadda ah oo ay ugu magac dareen “Barkaan One”.

Ugu dambeyntii, maleeyshiyadaasi ayaa sheegay inuu gantaalkaasi hadafkiisu ahaa garoonka diyaaradaha caalamiga ee boqor C/casiis ee ku yaala magaalada Jeddah oo qiyaastii 100-km u jirta magaalada Makka Al-mukarama ee dalka Sucuudiga.

error: Content is protected !!