Yaa ka mid ah musharixiinta Aqalka Sare ee Hirshabeele oo maanta lagu dhawaaqi doonno?

Guddiga doorashada dadban ayaa lagu wadaa in maanta loo soo gudbiyo liiska musharaxiinta u tartamaya xubnaha maamulka Hirshabeele u matali doonna Aqalka Sare ee baarlamaanka cusub Soomaaliya, iyadoona durbadiiba beelaha dega labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe ay qeylo dhaan ka keeneen qaabka loo soo xulay xubnahaas.

Musharixiintaasi ayaa wararku qaar sheegayaan in la diyaariyay, islamarkaana ay hore usoo wada xuleen madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Waa xubnaha kaliya ee ka mid noqonaya Aqalka Sare oo faragelin toos ah lagu sameeyo soo xulistooda.

Guddiga doorashooyinka dadban ayaa markii loo soo gudbiyo liiska xubnaha Hirshabeele ee Aqalka Sare waxay dib ugu celin doonaan maamulka Hirshabeele, waxaana markaasi kadib xubnahaasi cod u qaadi doonno xildhibaanada baarlamaanka ee maamulkaasi.

Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeele ayaa dooran doonno 8-da musharax ee maamulkaasi uga mid noqon doonta Aqalka Sare ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Xubnahaasi ayaa waxaa loo qeybiyay labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxaana gobol walba ka imaan doonno 4 xubnood.

Warbaahinta Bulshoweyn ayaa hore u shaacisay in xubnaha u sharaxan tartanka kuraastaasi ay ka mid yihiin mas’uuliyiin caan ah oo ay ka mid yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, ra’iisul wasaarihii hore ee dowladii KMG ahayd Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo Muuse Suudi Yalaxoow oo isna hore xildhibaan uga ahaa baarlamaanka KMG ee Soomaaliya:- HALKAAN KA AQRISO XOGTA AYNU HORE U BAAHINAY 

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii maamulada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ay soo doorteen xubnaha Aqalka Sare u matalaya baarlamaanka Soomaaliya, waxaana haatan markii lasoo doorto xubnaha Hirshabeele kadib, la sugayaa in la gudo galo soo xulista xubnihii u matali lahaa gobolada waqooyi Soomaaliya ee loo yaqaano Somaliland.

error: Content is protected !!