DEG DEG:- Diyaarado dagaal oo duqeeyay saldhigyo ay Al-shabaab ku leeyihiin gobolka J/dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka J/dhexe ayaa sheegaya in diyaaradaha nooca dagaalka ah ay duqeymo xoogan ka geysteen inta u dhaxeeysa degmooyinka Bu’aale iyo Jilib.

Diyaaradahaasi oo aan la ogeyn halka laga leeyahay ayaa duqeeyay xarumo ay dagaalyahanada Al-shabaab ku leeyihiin deegaanka lagu magacaabo Maleyda oo ku taala inta u dhaxeeysa degmooyinka Bu’aale iyo Jilib ee gobolka J/dhexe.

Inkastoo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay duqeyntaasi ayaa hadane qaar ka mid ah dadka ku nool deegaankaasi waxay sheegayaan in dhowr madaafiic ay ku dhaceen saldhigyada Al-shabaab, ayna jiraan qasaare lixaad leh oo halkaasi ka dhashay.

Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo ay kaga hadlayaan diyaaradahaan aan la aqoonin oo duqeymaha xoogan ka geystay deegaanka Maleyda oo ku yaala gobolka J/dhexe.

Dhinaca kale, saraakiisha Al-shabaab weli wax hadal ah kama aysan soo saarin duqeymahaan la sheegay in lagu qaaday saldhigyadda ay ciidamadooda ku leeyihiin deegaanka Maleyda ee ku yaala inta u dhaxeeysa degmooyinka Bu’aale iyo Jilib ee gobolka J/dhexe.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!