Dowladda oo sheegtay inay sii xiri doonto wadooyin hore lagu gooyay shub iyo jawaano carro ah (SAWIRO)

Waxaa mudooyinkii ugu dambeysay isbadel aan caadi ahayn laga dareemayay wadooyinka ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, kadib markii inta badan wadooyinkaasi lagu xiray jawaano ciid ah iyo dhagxaan shub ka sameysan.

Inkastoo ay arrintaasi jirtay ayaa hadane dowladda federaalka Soomaaliya waxay markale shaaca ka qaaday in xilliga doorashada la xiri doonno wadooyin gaar ah oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir Korneel Bishaar Abshir Geedi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maalmaha soo socda la xiri doono wadooyin gaar ah, si loo sugo amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, isagoo ka codsaday shacabka inay u dulqaataan xilliga ay wadooyinkaasi xiran yihiin.

Wuxuu taliyaha tilmaamay in si ammaanka goobaha doorashada loo sugo ay wanaagsan tahay in wadooyinka la xiro, si aysan u dhicin qaraxyadda ay Al-shabaab qorsheynayaan inay ka geystaan xarumaha ay ka dhacayaan doorashada.

Arrintaan ayaa u muuqata mid cudu-daar kale loo helay in la xiro wadooyinkii yaraa ee u furnaa dadka shacabka ah, waxayna arrintaan sidoo kale ciriiri gelin doontaa nolosha iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka ka jiray magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, muddooyinkii ugu dambeysay waxaa magaalada Muqdisho sii yaraanayay wadooyinka furan ee ay dadku sida weyn u isticmaalaan, waxaana si aan hore loo arag wadooyinka loogu xiray biro, shub, jawaano carro iyo qaarkood oo gebi ahaan la jaray.

Wadooyinka haatan intooda badan xiran oo la qorsheynayo in gebi ahaan la xiro xilliga ay doorashada socoto ayaa ka mid ah:-

– Wadada hormarta dekedda Muqdisho oo qeyb ka mid ah wadadaasi ay haatan xiran tahay

– Wadada Makka Al-mukarrama ee hormarta madaxtooyadda Soomaaliya

– Wadada Afisyoone ee ka timaada dhinacyada 21-October oo haatan qaar ka mid ah xiran

Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo haatan lama oga inta maalmood ee la xiri doonno wadooyinkaasi, iyo sida saameynta balaaran ay ku yeelan doonaan isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee ka jira halkaasi, iyadoona inta badan wadooyinkaasi lagu xiri doonno dhagxaan shub ah iyo jawaano ay ka buuxaan carro.

Wadooyinka xiran ee magaalada MuqdishoWadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho Wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho Wadooyinka xiran ee magaalada MuqdishoWadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho

error: Content is protected !!