Maamulka Galmudug oo shaaca ka qaaday inay si xoog ah kusoo furatay haweeney ajaanib ahayd

Maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in ciidankooda kuwa nabad-sugidda ah ay si xoog ah kusoo furteen haweenay ajnabi ahayd oo ay koox burcad badeed ah afduub ugu haysatay.

Haweenaydaasi ayaa la sheegay inay u dhalatay dalka Kenya, waxaana in muddo ah afduub loogu heystay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in ciidamada Galmudug ay howl-gal kusoo furteen haweeneyda, islamarkaana aysan jirin wax dagaal ah oo dhexmaray ciidamadaasi iyo kooxaha burcad badeeda ee gacanta ku haayay haweeneyda.

Dhinaca kale,  saraakiisha nabad-sugidda maamulka Galmudug ayaa sheegay inay warbaahinta usoo bandhigi doonaan haweeneyda Kenyaanka ah ee laga soo bad-baadiyay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii koox burcad badeed ah ay sii daayeen markab iyo 26-shaqaale oo ajaanib ah oo sarnaa markabkaas, kuwaas oo u kala dhasha dalal kala duwan, kadib markii burcadii haysatay dadkaasi lacag madax furasho ah la siiyay.

error: Content is protected !!