Sheekh Maxamed Shaakir oo ka hadlay ciidanka Itoobiya ee dhawaantaan ka baxay qeybo ka mid ah Soomaaliya

Madaxweynaha maamulka Ahlusunna Waljameeca ee gobolada dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa shaaca ka qaaday inaysan aqoonsaneyn wax maamul sharci ah oo ka jira gobolada dhexe oo aan ka ahayn maamulkooda, isagoona dhinaca kale ka hadlay ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee Itoobiya gobolada koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Shaakir oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa marka hore eedeyn u jeediyay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoona ku eedeeyay in dowladda federaalka ay ku fashilantay xasilinta dalka Soomaaliya iyo dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, islamarkaana ay daboosho baahidii ciidan oo ay ku buuxin laheyd goobaha ay ka baxaan ciiidamada ka tirsan AMISOM iyo kuwa aan ka tirsaneynba ee ku sugan Soomaaliya.

“Waxaa aad iyo aad u darraabeynaa, muddada 4-tii sanno oo ay jirtay dowladdii federaalka ahayd ee waqtigoodu dhamaaday inay ku fashilantay xasilinta dalka Soomaaliya, maadaama ay ka faa’ideysan waysay in waqtiga ay joogeen ciidamadii nabad-ilaalinta ee AMISOM ee dalka Soomaaliya dowladuhu ugu deeqeen, waxaa dowladda laga rabay inay aas-aasto ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, oo difaaci lahaa dalkooda islamarkaana buuxin lahaa booska ciidanka AMISOM ka baxayaan balse ay ku fashilantay, sidaas daraadeed, waxaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay isku tashtaan, si beesha caalamka ay gacan uga helaan” Sidaas waxaa yiri Sheekh Maxamed Shaakir oo warbaahinta kula hadlay meel fagaare ah oo ku yaala magaalada Dhuusamareeb.

Dhinaca kale, Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ka hadlay ciidamada ka tirsan AMISOM ee dhawaan la geeyay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaudud, isagoona dowladda Jabuuti ku eedeeyay inay u kala hiilineyso maamulada ka jira dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, waxa uu Sheekh Maxamed Shaakir sheegay in doorashada xildhibaanada gobolada dhexe ay ka dhici doonto magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana marnaba aysan aqoonsan doonin doorasho lagu qabto magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

error: Content is protected !!