Codeynta Aqalka Hoose ee Puntland oo bilaabanaysa iyo sida beel ahaan loo kala qeybsaday (DHAGEYSO)

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dadban ee maamulka Puntand Khaliif Aw Cali oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa ku dhawaaqay in dhawaan ay bilaaban doonaan doorashooyinka xubnaha Puntland ee Aqalka hoose baarlamaanka Soomaaliya.

Khaliif Aw Cali ayaa marka hore ka hadlay dib u dhaca ku yimid waqtigii loo balamay inay doorashaddu dhacdo oo uu sheegay in dib u dhaceedu ay sabab u aheyd qoondada haweenka ee ergooyinka oo beeluhu sidii laga doonayay aysan u fulin, balse hadda la xaliyay oo ay ka gudbeen arrinkaas.

Wuxuu guddoomiyuhu sheegay in maanta oo ay taariikhdu ku beegnayd 31-ka October ay bilaabmeen qabashada iyo war-gelinta musharixiinta u tartamaya Aqalka hoose ee baarlamaanka, islamarkaana ay socon doonto ilaa 1-da bisha November 2016-ka.

Gudoomiye Khaliif Aw Cali ayaa dhinaca kale sheegay in qeybtii ugu horeeysay xildhibaanada Aqalka hoose ee baarlamaanka la dooran doono 5-ta bisha November ee sanadkaan islamarkaana ay 12 kursi oo ka mid ah 39 kursi oo laga soo dooran doono deegaanada Puntland ay u tartami doonaan 8 beelood.

Sidoo kale, ergada dooraneysa xildhibaanadaas ee 12-ka kursi ku tartamaya ayaa la sheegay in la xareyn doono 2-da ilaa 4-ta bisha November, islamarkaana la siin doono wacyi-gelin iyo aqoonsi, kadibna sida qorshuhu yahay ay doorashadu dhici doonto labada maalmood ee 5ta iyo 6-da.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in 8 beelood ay u tartami doonnaan 12-ka kursi ee ka midka ah 39 kursi ee laga soo dooran doono deegaanada Puntland, waxayna beelahaasi kala yihiin sida soo socoto:-

1- Beesha Warsengeli, waxay leeyihiin:- (4 kursi)

2- Beesha Dashiishe, waxay leeyihiin:- (2 kursi)

3- Beesha Cali Jabraaiil, waxay leeyihiin:- (1 kursi)

4- Beesha Sawaaqroon, waxay leeyihiin:- (1 kursi)

5- Beesha Cali Saleebaan, waxay leeyihiin:- (1 kursi)

6- Beesha Ciise Maxamuud, waxay leeyihiin:- (1 kursi)

7- Beesha Yibro waxay leeyihiin:- (1 kursi)

8- Beesha Madhibaan waxay leeyihiin:- (1 kursi)

error: Content is protected !!