Seddax qof oo si xun loo dilay oo saakay meydkooda laga helay deegaan ka mid ah gobolka Sh/hoose

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Buufow Bacaad oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in halkaasi maanta lagu arkay meydadka seddax qof oo la sheegay in lasoo dhigay gudaha deegaankaas.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Buufow Bacaad oo warbaahinta Bulshoweyn la hadlay ayaa sheegay in saakay aroortii ay arkeen meydka seddexdaan ruux oo jirkooda ay ka muuqatay in si xun loo dilay.

Xasan Biibaaye oo ka mid ah dadka deegaanka oo sida weyn u yaqaanay dadkaan la dilay ayaa inoo sheegay in dilkooda uu la xiriiro aanooyin qabiil, maadaama seddaxdaasi qof uu ku tilmaamay inay yihiin dad isku qabiil kasoo jeeda.

Ilaa iyo haatan ma jiro hadal kasoo baxay maamulka deegaanka Buufow Bacaad ee gobolka Sh/hoose, kaas oo ay kaga hadlayaan dilkaan loo geystay seddaxdaasi qof.

Deegaanka Buufow Bacaad ayaa qiyaastii 4-km dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose, waxaana dilka seddaxdaan laga yaabaa in beelaha dega deegaankaasi uu ka dhex abuuro colaado horleh.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!