Wasiirka amniga oo sheegay in shaqsiyaad Al-shabaab ah lagu qabtay garoonka Aadan Cadde (DHAGEYSO)

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in xubno ka tirsan Xarakada Al-shabaab lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiir C/risaaq Cumar oo ka hadlaayay kulan looga hadlaayay arrimaha tahriibka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu dhigtay shabakado isku xiran oo Al-shabaab ah.

Wuxuu wasiirka sheegay in shabakadahaasi ay doonayeen inay si qarsoodi ah kaga dhoofaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, wasiirka amniga ayaa sheegay inay arrintaan fashilinta ah ay fududeeysay kadib markii nidaamka garoonka Aadan Cadde oo aad loo adkeeyay, waxaana markii la baaray documentiyadda ay ku dhoofayeen dadkaasi kadib ay caddaatay inay been abuur yihiin.

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in tirada la qabtay ay gaarayaan 20 qof oo laga dhigay inay safar rasmi ah uga baxayaan dalka dibadiisa.

Ugu dambeyntii, wasiir C/risaaq Cumar ayaa tilmaamay in garoomo kale oo ku yaala dalka lagu qabtay shabakado kale oo sidaan si la mid ah ka dhoofayay garoomada ku yaala gobolada dalka, isagoona xusay in wada-shaqeyn ay dhex-martay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ka jira dalka.

“Runtii waxaan rabaa inaan idiin caddeeyo shabakadaha, dhowr marna waa la qabtay markii ugu dambeysay muddo bil kayar ilaa iyo labaatameeyo ka dhoofaayay garoonka diyaaradaha ayaa la qabtay, waxaana in la qabto sahlay nidaamka garoonka ka jira oo Komputerka la geliyo, ayaa wuxuu sheegay in baasaboorka ama fiisaha ay ahaayeen wax lasoo sameeyay oo aan sax aheyn, dhinaca garoomada markii ay noqota waa sidaas, dhinaca maamul goboledyada, meelaha kale iyo dekaddaha kale, iyagana howshaasi howl la mid ah ayay qabtaan, inkastoo mararka qaarkood ay jiraan inay dadkaasi baxsadaaan, iyagoo la imaanaya dukumentiyo u muuqda kuwa sax ah oo aan la dhihi karin waa been abuur” Sidaas waxaa yiri wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/risaaq Cumar

error: Content is protected !!