Guddiga xalinta khilaafaadka oo laalay go’aankii ay shalay soo saareen guddiga doorashada heer Puntland

Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka doorashada dalka ayaa maanta soo saaray go’aan lagu joojinaayo diiwaan gelinta ergooyinka doorashada Aqalka hoose ee beelo ka tirsan Puntland.

War-saxaafadeed ay soo saareen guddigaan ayaa lagu sheegay in guddiga ay soo gaartay cabashooyin badan oo lid ku ah beelihii ergooyinkooda shalay ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka heer Puntland, kaas oo ay ku tilmaameen inaan si cadaalad ah lagu qeybin.

Waxaa war-saxafaadeedka ku xusan in guddigu uu amray guddiga doorashada dadban ee heer Puntland inaysan xareyn karin, islamarkaana aanay diiwaan gelin karin, wax kaarar aqoonsi ah aany sameyn karin, ilaa iyo inta go’aan kama dambeys ah uu kasoo baxayo guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka doorashada dalka.

guddiga-xalinta

Beelaha laga joojiyay xareynta iyo diiwaan-gelinta ergooyinkooda ayaa kala ah:-

– Beesha Warsengali

– Beesha Dashiishe

– Beesha Cali Saleebaan

– Beesha Madhibaam

– Beesha Ciise Maxamuud

Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeedkaan kasoo baxay guddiga xalinta khilaafaadka doorashada dalka ayaa imaanaya xilli maalintii shalay guddiga doorashadda dadban ee heer Puntland ay shaaciyeen in 5-ta bishaan November 2016 la qaban doono doorashadda Aqalka hoose ee baarlamaanka islamarkaana ay bilaaban doonaan diiwaan-gelintu iyo xareynta ergooyinka 8 beelood oo dooranaya 12 xildhibaan ee Puntland u matalaya Aqalka hoose ee barlamaanka Soomaaliya.

Hadaba nuqul ka mid ah war-saxaafadeedka oo nasoo gaaray ayaa u qoran sida hoos ku xusan:-

war-saxaafadeed-guddiga-xalinta-khilaafaadka war-saxaafadeed-guddiga-xalinta-khilaafaadka-1

error: Content is protected !!