C/weli Gaas oo ka hadlay shirkii Abu-Dhabi iyo la kulankii C/kariin Xuseen Guuleed (DHAGEYSO)

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay heshiiskii ay magaalada Abu-Dhabi ee dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta ku kala saxiixdeen madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, isagoona sheegay in heshiiskaasi uu ahaa mid la isku raacay.

C/weli Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa marka hore sheegay in kulanka ka socday magaalada Abu-Dhabi ee dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta uu ahaa mid looga arrinsanaayay arrimaha Soomaaliya iyo sidii xal looga gaari lahaa colaadaha iyo dagaalada ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

“Kulanka Abu-Dhabi ka dhacay wuxuu ahaa mid looga arrinsanaayay arrimaha Soomaaliya iyo geeddi socodka nabadda Soomaaliya, waxaana meeshaasi ku kulmay madaxda dowlad goboleedyada Somaaliya” Sidaas waxaa yiri madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas

C/weli Gaas ayaa sidoo kale ka hadlay kulan heshiis ah oo dhex maray isaga iyo madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, kaas oo uu ku tilmaamay inuu kusoo dhamaaday mid is-af-garad ah.

Wuxuu C/weli Gaas sheegay inuu rajeeynayo in labada dhinac uu heshiiskaasi ka dhaqan galo, ayna arrintaasi tahay mid muhiim ah oo loo baahan yahay in labada dhinac ay iska kaashadaan islamarkaana laga shaqeeyo daganaanshaha Gaalkacyo.

“Dabcan hadii meel la isugu taga wax badan oo kalaa ka dhasha isu-tagii aan meeshaas tagnay fursad kala isku aragnay ayay aheyd madaxweynaha Galmudug iyo madaxda kale, wixii taagnaa ee shidada Gaalkacyo ayaa ka hadalnay, waa aragteen war murtiyeedkii Abu-Dhabi, waxaa lagu heshiiyo in xabad joojin la sameeyo” Sidaasi waxaa yiri C/weli Gaas

Dhinaca kale, madaxweyne C/weli Gaas ayaa ka hadlay dagaalka iyo duqeymaha ka socda magaalada Qandala ee gobalka Bari halkaas oo uu sheegay in saacadaha soo socdo lasoo afjari doono.

C/weli Gaas ayaa sidoo kale sheegay inaysan argagixisadu ku nasan doonin oo aysan heysan doonin magaalada Qandala, isagoo sheegay in kooxaha noocaan ah talaabo cad ay ka qaadi doonaan ciidamada maamulka Puntland.

Ugu damebeyntii, madaxweyne C/weli Gaas ayaa baaq u diray shacabka reer Puntland, isagoona ugu baaqay inay difaacdaan dhulkooda islamarkaana ka shaqeeyaan nabad-gelyadda.

error: Content is protected !!