DEG DEG:- Nin oday ah oo lagu dilay Muqdisho iyo kooxihii dilka geystay oo gacanta lagu dhigay

Koox hubeysan ayaa daqiiqado kahor degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dishay nin oday ah islamarkaana ka mid ahaa waxgaradka ku nool degmadaas.

Kooxahaasi dilka geystay oo la sheegay inay ahaayeen laba nin oo dhalinyaro ah ayaa isku dayay inay goobta isaga baxsadaan kadib markii ay dhowr xabad ku dhufteen Odaygaan ka midka ahaa dadka waxgaradka ee ku nool degmada Wadajir.

Ciidanka ammaanka ee degmada Wadajir oo eryaday labadaasi nin ayaa u suurto gashay inay gacanta kusoo dhigaan labadaasi dhalinyaro ee ka dambeysay dilka Odaygaas.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa haatan waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada Wadajir, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaano xoogan.

Maamulka degmada Wadajir oo goordhaw la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegay inay haatan gacanta ku haayaan labadaasi nin ee dhalinyarada ah, islamarkaana ay goor dhow saxaafadda usoo bandhigi doonaan.

Sidoo kale, maamulka ayaa inoo xaqiijiyay in markii la qabanaayay labadaasi nin ay ahaayeen dhaawac kasoo gaaray rasaasta ay ciidanka ammaanka ku rideen, kadib markii ay isku dayeen inay baxsadaan.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!