Faah faahin:- Dil ka dhacay Muqdisho iyo nimankii dilka geystay oo lasoo bandhigay (SAWIRO)

Waxaa maanta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay laba nin oo la sheegay inay maanta degmadaasi ku dileen nin oday ah oo ka mid ahaa odayaasha waxgaradka ah ee ku nool degmadaas.

Labadaasi nin oo dhalinyaro ah ayaa maanta dhowr xabad ku dhuftay nin ka mid ah waxgaradka degmada Wadajir, kaas oo lagu magacaabi jiray Hilowle Xaafow Xuseen, iyagoona kadib isku dayay inay goobta isaga baxsadaan.

Ciidanka ammaanka ee degmada Wadajir oo xilligaasi goobta uu dilka ka dhacay ka dhawaa ayaa markaasi eryaday labadaasi nin, waxayna ugu dambeyn gacanta ku dhigeen nimankaasi iyagoo dhaawac qaba.

Maamulka degmada Wadajir oo wareysi siiyay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay inay labadaasi nin haatan gacanta lagu haayo islamarkaana la marsiin doonno sharciga.

Dhinaca kale, gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo goobta soo gaaray ayaa si weyn u ammaanay ciidankii gacanta ku dhigay labadaasi nin, isagoona lacag dhan $5,000 ku abaal mariyay ciidankaas.

niman-la-qabtay niman-la-qabtay-1 niman-la-qabtay-3