Ciidanka Koonfur Galbeed oo dib ula wareegay deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Bay

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Goof-gaduud ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ay maanta dib ula wareegeen deegaankaasi oo qiyaastii 30km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Dagaalyahada Al-shabaab oo halkaasi hore ugu sugnaa ayaa la sheegay inay gelinkii hore ee maanta ay si nabad-gelyo isaga baxeen deegaankaasi, iyadoona halkaasi ay markii dambe dib ula wareegeen ciidanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa haatan dhaq-dhaqaaqyo aad u xoogan ka wada deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Bay, iyadoona xaaladda deegaankaasi ay maanta tahay mid aad u degan.

Dhinaca kale, dagaalyahanadda Al-shabaab ee isaga baxay deegaanka Goof-gaduud ayaa la sheegayaa inay haatan ku sugan yihiin duuleedka deegaankaasi, iyadoona weli ay jirto cabsi ku aadan in markale uu dagaal ka dhaco halkaas.

Ugu dambeyntii, dagaaladda mudooyinkii ugu dambeysay ka dhacaayay deegaanka Goof-gaduud ayaa la sheegayaa inay ka dhasheen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta qasaarahaasi uu gaarsiisan yahay.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!