Faah faahin kasoo baxaysa dagaal maanta ka dhacay degmada Caabuq-waaq ee gobolka Galgaduud

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dagaal maanta degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud ku dhexmaray maleeshiyo beeleed halkaasi wada dega, kaas oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sida la sheegay ku bilawday, kadib markii maalintii shalay degmadaasi lagu dilay nin ka mid ahaa dadka deegaanka.

Dilka ninkaasi ayaa sida la sheegay ka dhashay xiisad colaadeed oo u dhaxeeysa labada beelood oo wada degan degmada Caabud-waaq, iyadoona dilka ninkaasi ay keentay in maanta uu halkaasi dagaal aad u culus halkaasi ku dhexmaro maleeshiyada labadaasi beel.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku geeriyootay ilaa 6 qof, iyadoona sidoo kale ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 qof, sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiinta degmada Caabud-waaq.

Dhinaca kale, waxaa weli goobihii uu maanta dagaalka ka dhacay isku hor-fadhiya ciidanka halkaasi ku dagaalamay, iyadoona laga cabsi qabo in markale uu halkaasi dagaal ka bilawdo.

Degmada Caabud-waaq oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay dagaal salka ku haaya aanooyin qabiil.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!