War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa waxaa looga hadlay heshiiska dhawaan magaalada Abu-Dhabi ku dhexmaray maamulada Puntland iyo Galmudug, kaas oo ku aadanaa in la joojiyo dagaalka iyo colaadaha ka jiro magaalada Gaalkacyo.
Waxaa war-saxaafadeedka loogu mahad celiyay dowladda Isku-taga Imaaraadka Carabta oo xil weyn iska saartay xakameynta colaadda iyo dagaalada ka jira magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in maamulka Galmudug uu soo dhaweynayo sidii xal waara looga gaari lahaa colaada iyo dagaalada soo noq-noqodka leh ee ka jirta magaalada Gaalkacyo.
Magaalada Gaalkacyo oo u kala qeybsan Koonfur iyo Waqooyi ayaa kala waxay kala hoos-yimaadaan maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana inta badan magaaladaasi uu dagaal ku dhexmaraa ciidamada kala taabacsan labadaas dhinac.
Nuqul ka mid ah war-saxaafadeedka oo nasoo gaaray ayaa u qornaa sida hoos ku xusan:-