Xaaladda magaalada Gaalkacyo ee maanta kadib dagaal gelinkii dambe ee shalay ka dhacay halkaas

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helaayo xaalada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ah mid aad u degan, inkastoo ay weli jirto xiisad colaadeed oo u dhaxeeysa ciidamada kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Ciidamada Galmudug iyo Puntland ayaa gelinkii dambe ee shalay muddo 2 saacadood ah ku dagaalamay galbeedka magaalada Gaalkacyo, waxayna labada dhinac dagaalkaasi isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilaa iyo haatan lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, inkastoo warar hordhac ah aynu heleyno ay sheegayaan inay jiraan qasaare dhimasho iyo dhaawac ah, oo soo kala gaaray labada dhinac.

Dhaq-dhaqaaqa ganacsi iyo isku socodka gaadiidka ee ka jiray magaalada Gaalkacyo ayaa maanta u muuqda mid aad u yar, iyadoo ay jirto cabsi colaadeed oo hareeysay dadka ku nool magaaladaas.

Inta badan dadkii ku noolaa magaalada Gaalkacyo ayaa isaga barakacay guryahooda ku yaalay halkaas, iyagoo u ruqaansaday dhinaca baadiyaha iyo duuleedka magaaladaas.

Dhinaca kale, madaxda maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa maalintii Talaadada ahayd si wadajir ah usoo saaray war-murtiyeed dib u heshiisiin ah oo dhowr qodob ka kooban, kadib markii ay labadaasi mas’uul ku kulmeen magaalada Abu-Dhabi ee dalka Isku-taga Imaaraadka Carabka.

Qodobada ku qornaa war-mutiyeedka ayaa waxaa ka mid ahaa in lakala qaado meelaha ay isku hor-fadhiyaan ciidanka labada dhinac iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo waxyaabaha keenaya xiisadda colaadeed.

Inkastoo qodobada ku qornaa war-murtiyeedkaasi ay haatan u muuqdaan mid fashilmay, ayaa hadane waxaa weli baaqyo isdaba-joog ah ay kasoo baxayaan dowladda federaalka Soomaaliya, beesha caalamka iyo waxgaradka gobolka Mudug, kuwaas oo ay ku baaqaya in la dhaqan geliyo heshiiska hordhaca ah oo lagu gaaray dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta ah.

error: Content is protected !!