Laba ka mid ah ergooyinka soo xulli laheyd xildhibaanada cusub ee baarlamaanka oo maanta istooreeyay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay isku tooreeyeen labo nin oo ka mid ah ergooyinka soo dooranaysa xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya.

Dagaalka labadaan nin dhexmaray ayaa la sheegayaa inuu markii hore ku bilawday muran, kadibne isku badalay mid gacan ka hadal ah.

Labadaasi nin oo dagaalkooda u adeegsaday tooreey ayaa la sheegayaa in mid ka mid ah uu geeriyooday, halka midka kalena uu dhaawac culus soo gaaray.

Dhinaca kale, meydka ninka geeriyooday iyo dhaawaca ninka kale ayaa markii dambe la dhigay isbitaalka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Labadaasi nin ayaa la sheegayaa inay kasoo jeedaan hal beel, iyadoona dhacdadaan ay noqoneyso dhacdadii ugu horeeysay oo ka dhex dhacda ergooyinka soo xulaya xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Ilaa iyo haatan ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay guddiga doorashada dadban ee heer maamul goboleed, iyo sidoo kale mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka Jubbaland.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!