Madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay xubnaha musharixiinta ee maamulkaasi u tartameeysa Aqalka Sare ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Xubnahaasi oo ka kooban ilaa 21 musharax ayaa Afar ka mid ah waxay yihiin dumar, halka 17-ka kale ay rag yihiin.
Hoos ka aqriso magacyada xubnaha musharixiinta Hirshabeele ee u tartameeysa Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya
1- Xasan Axmed Haaruun iyo Aadan Axmed Xuseen
2- Faadumo Abuukar Mahdi, Drs Naciimo Sheekh Maxamuud, Fartuun C/dir Faarax, Sacdiyo Daa’uud Maxamed iyo Axmed Sayid Axmed
3- Maxamed Cismaan Faarax(Dhagajun) iyo Cumar Cismaan Cilmi
4- Bashiir Maxamed Aadan iyo C/nuur Ibraahin Fareey, Cismaan Mocow iyo Siraaji Sheekh Isxaaq C/dulle.
5-Maxamed Awoow Sheekh Cismaan iyo Maxamed Xasan Geedi
6-Muuse Xasan Yalaxoow (Muuse-Suudi) iyo Xasan Cali Caadle
7-Maxamed Xuseen Raage iyo Keyse Diiriye Nuur
8-Jaamac Xuseen Xaashi iyo Prof. Cismaan Maxamuud Dufle.
Maalinta berrito ayaa la filayaa inay musharixiintaasi khudbadahooda u jeediyaan xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeele, iyadoona maalinta Axadda ay xildhibaanadaasi soo dooran doonaan 8-da xubnood ee maamulkaasi u matali doonta Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.