Madaxweynaha Hirshabeele oo shaaciyay xilliga ay dhici doonto doorashada Aqalka Sare

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada xubnaha maamulka Hirshabeele u matalaya Aqalka sare ee baarlamaanka cusub Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in doorashada xubnaha Aqalka sare ee maamulkiisa ay dhaceeyso maalinta Axadda ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 6-da bisha November ee sanadkaan 2016-ka.

Waxa uu madaxweyne Cali C/laahi Cosoble sheegay in la dhameystiray dhamaan liisaskii iyo qeybintii kuraasta islamarkaana ay haatan doonayaan inay si deg-deg ah u shaqo bilaabaan, maadaama ay dib u dhac galeen oo doorashada labada Aqal ay isa saaran tahay.

“Maalinta Axadda ee soo socto ayaa la rajeynayaa in xubnaha Aqalka sare la doorto, markii aan imid Jowhar waxaa la kulmay guddiga doorashada iyo odayaasha dhaqanka, annaga labada Aqal waa isu keen dul-saaran yihiin, marka laga doorto Aqalka sare waxaan islamarkiiba bilaabaynaa doorashada xubnaha Aqalka hoose” Sidaas waxaa yiri madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble.

Dhinaca kale, madaxweyne Cosoble ayaa soo hadal qaaday waxyaabaha looga hadlay shirkii ay dhawaan ku yeesheen dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay in muhiimadda ugu weyn ee shirkaasi uu ahaa sidii xal loogu heli lahaa colaadaha iyo dagaalada ka jira magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu madaxweyne Cosoble beeniyay hadalka ah in madaxda dalka Imaaraadka Carabta ay kala hadleen shaqsiga loo dooranaayo xilka madaxweynaha Soomaaliya, isagoona arrintaasi mid been abuur ah ku tilmaamay.

“Waxa aa u tagnay dalka Imaaraadka ayaa uljeedada ugu weyn aheyd oo kaliya xal u helista colaadaha iyo dagaalada ka jira magaaalda Gaalkacyo, ma jirto cid nagu soo hadal qaaday qofka aan usoo dooraneeyno madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya arrintaasina dowladda Imaaraadka xaq uma laha” Ayuu yiri madaxweyne Cali C/laahi Cosoble

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble ayaa kusoo beegmaya xilli¬†magaalada Jowhar la sheegayo inuu weli ka taagan yahay muran beelaha dhexdooda ah, waxayna beeluhu go’aan ka gaari waayeen xubnaha Hirshabeele la doonayo inay kusoo baxaan 8-da kursi ay ku leeyihiin Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

error: Content is protected !!