DEG DEG:- Cali Xoosh oo noqday musharixii ugu horeeyay ee ku guuleysta Aqalka hoose ee baarlamaanka

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Cali Yuusuf Cali oo ku magac dheer (Cali Xoosh) uu noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee loo doorta kursiga Aqalka hoose ay Puntland ku leedahay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Xildhibaan Cali Xoosh ayaa la tartamaayay musharaxa kale oo lagu magacaabo C/rashiid Xasan Yuusuf, wuxuuna kaga guuleystay cod aqlabiyad leh, kadib markii uu helay codad gaaraya 49 cod, halka musharaxa kale uu isna helay 1 cod oo kaliya.

Xildhibaan Cali Xoosh ayaa muddo 5 sanno wasiir ku-xigeen ka ahaa wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland sanadkii 2009-2014kii, waxaana uu kasoo jeedaa beesha Majeerteen/Ciise Maxamuud.

Saciid Jaamac Qoorsheel oo ka mid ah guddiga doorashada heer federaal ee Puntland ayaa natiijadda doorashadaasi ku dhawaaqay, wuxuuna sheegay in Cali Xoosh uu si rasmi ah ugu guuleystay kursiga ugu horeeyay ee Puntland u matalaya Aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!