DEG DEG:- Codeynta xubnaha Puntland u matalaya Aqalka hoose ee baarlamaanka oo goordhaw bilaabatay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa waxay sheegayaan in goordhaw uu halkaasi ka bilawday codeynta xubnaha Puntland ee u tartamaya Aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Ergooyinka doorashada Puntland ayaa haatan u codeeynaya 12-ka xildhibaan ee Puntland u matalaya Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, waxayna codeyntaasi haatan ka socotaa lix xarumood oo ku kala yaala Jaamacadaha PSU iyo EAU ee magaaladda Garoowe.

Ergadda codeynaysa ayaa la sheegayaa inay tiro ahaan gaarayaan in ka badan 600-ergo, oo kala matalaya 8 beelood oo ka mid ah beelaha dega deegaanada Puntland.

12-ka xildhibaan ee haatan la dooranayo ayaa sida la sheegay ka mid ah 37-ka xildhibaan ee Puntland u matalaya Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale, ammaanka goobta ay ka socoto doorashada ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana goobahaasi ku sugan guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland iyo heer federaal, iyo sidoo kale kor-joogayaal ka socda bulshadda rayidka ah.

Maamulka Puntland ayaa noqonaya maamulkii ugu horeeya ee bilaaba doorashadda Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, inkastoo qaar ka mid ah qabaa’ilka dega deegaanada Puntland ay ka cabanayaan qaabkii loo qeybiyay kuraasta.

Codeyntaan 12-ka xildhibaan ee Puntland u matalaya Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta ilaa berri lasoo gaba-gabeeyo, iyadoona markaasi kadib la guddo geli doonno wejiga labaad ee doorashada.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah 

error: Content is protected !!